Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hoggaamiyaha Al Qaacida oo soo duubay Muuqaal uu gabar ku amaanayo xilli la la’aa

Hoggaamiyaha ururka Al Qaacida Dr Ayman al-Zawahiri oo muddooyinkii dambe la waayay war iyo wacaalkiisa ayaa muuqaal cusub uu soo duubay lana baahiyay ku amaanay gabar muslimad ah oo u dhalatay dalka Hindiya.

Ayman Al-Zawahiri ayaa sannadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay war sheegayay in uu u geeriyooday xanuun muddo fog hayay, waxaana xilligaasai kaddib yaraaday muuqaalka iyo codadkii uu soo duubi jiray hoggaamiyaha Al Qaacida.

Muuqaalkan cusub uu soo duubay hoggaamiyaha Al Qaacida ayaa waxa uu ku amaanayaa gabar ardayad ah oo u dhalatay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Muskan Khan, waxaana muuqaalkan cinwaan looga dhigay “Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya”.

Gabadhan uu amaanay Dr Ayman oo kunool gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa  muuqaal laga duubay iyada oo koox rag ah ku mudaharaadayaan kana soo horjeedaan xijaabka ay xirneed, gabadhan ayaana iyada oon cabsan ku dhawaaqeysay Allahu Akbar.

Muuqaalkan gabadhan laga duubay ayaana si weyn ugu faafay caalamka gaar ahaan dunnida muslimka, waxaana gabdhan lagu colaadinayay xijaabka ay xirneed heer xitaa loo diiday goobtii ay wax ka baraneysay in ay xijaab la gasho.

Hoggaamiyaha Al Qaacida ayaana ku amaanay gabadha reer Hindiya sida ay ugu dhagan tahay diinta Islaamka , waxa uuna u muujiyay xushmad weyn isaga oo ku amaanay geesiyad diinteeda ku weyn tahay.

Muuqaalkan uu soo duubay hoggaamiyaha Al Qaacida ayaa meesha ka saaraya shakiga la galinayay geeridiisa, waxaana dhacdada uu Ayman Al-Zawaahiri ka hadlayo dhacday  8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=czcrwJNHUJA&list=PL0RoG4dbLUa86ZhMfW5G-io8ceJx5nXBx&index=6

Related posts

Xildhibaanada qaban qaabinayada Doorashada Aqalka Sare ee KG oo la magacaabay

Cabdi Cade

Daawo: Cumar Filish oo dhaliil adag u jeediyey Axmed Madoobe & Saciid Deni

Caydiid Ali

Ogow shuruudaha laga doonayo qofka raba inuu hub ku dhex wato Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---