Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOMALILAND

DF oo Somaliland u dirtay lacagtii loo fasaxay iyo deeqdii gurmadka dabkii Hargeysa

Dowlada Somalia ayaa shaacisay iney Somaliland ku wareejisay deeqdii ay ugu talo gashay gurmadka dabkii Suuqa Hargeysa iyo lacagihii loo fasaxay.

Agaasimaha Fulinta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Xundubey Axmed Bashiir ayaa sheegay in Somaliland loo diray lacag gaareysa $12.7 milyan.

“Anagoo fulineyna amarkii Raisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble waxaan maanta u wareejiney dowlada iyo shacabka Somaliland lacag dhan $12, 700,000.00  oo isku jirta: Deeqda Gurmadka Suuqa Waaheen ee Hargeysa $1,000,000.00 iyo Deeqda kabka Miisaaniyada Somaliland   $11,700,000.00” ayuu yiri agaasimaha.

Ganacsatada Muqdisho ayaa iyana ku howlan ururinta lacag gaareysa $2 milyan oo ay ugu talo galeen iney kaga qeyb qaataan gurmadka Suuqa gubtay ee magaalada Hargeysa, taasoo dhowaan loo dirayo Somaliland.

 

Related posts

Haweeney markii ugu horeesay Madax ka noqotay Maxkamada ugu sareysa Itoobiya

Cabdi Cade

(Sawirro) Xoghayaha A/dibadda Mareykanka oo Addis Ababa kula kulmay Madaxda Itoobiya

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo loogu baaqay in Raali galin iyo Magdhaw siiso Qalbi Dhagax

Cabdi Cade
Taboola Ads ---