Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo soo saaray baaq Caalami ah oo ku socda Waddamada caalamka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay looguna talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.

Suuqan Waaheen ee ay dhawaan ka qaraxday Masiibadii dabku ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.

Halkan Ka Akhriso Baaqa Madaxweynaha u diray beesha caalamka

Related posts

(Sawirro) Daroogo lagu qabtay garoonka Aadan Cabdulle oo la soo bandhigay

Caydiid Ali

Faadumo Axmed oo noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo Kenyan ah ee noqota Janaraal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Marwo Saynab Cabdi Macalin oo kulamo la qaadatay Masuuliyiin ka tirsan Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---