Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo ku baaqay in isbadal lagu sameeyo Hoggaanka Hay’addaha Amniga

Siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaki badan ka qaba hab dhaqanka taliyaasha ciidamada dalka oo si toos ah xilligan uga ammar qaata Madaxweyne Farmaajo.

Digniintii shalay soo saareen Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaki badan abuurtay, waxaana siyaasiyiin badan fariintaasi ula muuqatay mid cabsi gelin ah ayna suurto gal tahay in xubno badan lagu beegsado.

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in labo todobaad kahor uu kasii digay xogta qalaalasaha iyo qalqalinta amni lagu abuurayo, waxa uuna xusay in cabsi gelintii ay ku timid Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxa uu ku baaqay Musharax Warsame in isbadal lagu sameeyo hoggaanka hay’addaha ammaanka dalka sidoo kale si weyn loo ilaaliyo ammaanka xildhinaannada iyo goobaha ay ka socoto dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

”Labo toddobaad ka hor ayaan ka dignay xogta qalaalasaha iyo qalqalinta amni lagu abuurayo. Iyada oo aan weli tillaab la qaadin ayaa shalay lagu keenay Raysalwasaaraha. Waxaan mar kale ku celinayaa in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hay’adaha amniga, aadna loo ilaaliyo amniga xildhinaannada iyo goobaha ay ka socoto dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Musharaxa ayaa sidoo kale ugu baaqay musharaxiinta kursiga kula tartamaya Farmaajo in aysan cabsi gelin ayna muujiyaan taxadar badan, waxa uuna cadeeyay in ay jiraan labo argagaxiso oo kala ah mid siyaasadeed iyo mid diineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo sheegay in uusan jirin urur isgaarsiineed oo la dhisey

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo Israel ku duqeeyey Diyaaradaha Drooniska Is-qarxinta ee Kamikaze

Cabdi Cade