Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Baaq u diray Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle

Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya  Larry Edward André ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u soo dhameystiraan xubnaha Baarlamaanka ee ku harsan.

Waxa uu sheegay safiirka in dedejinta xildhibaanada harsan ay horseedeyso in dhaarinta Xildhibaannada labada aqal ay qabsoonto xilligii horey  loo qorsheeyay oo ah 14 April, taasina ay sahleyso in doorashada meel wanaagsan gaarto.

Safiirka dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku booriyay madaxda Soomaalida wadahadal iyo isu tanaasul in lagu dhameeyo waxyaabaha is fahan darada ah ee jira si hannaanka doorashada ugu soo dhammaato nabad gelyo.

Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa waxaa ku harsan tiro xildhibaano ah, xubnaha Jubbaland ku harsan ayaa waxaa ka jira khilaaf ka taagan halka doorashadooda ka dhaceyso, kuwaa oo horey loo shaaciyay Garbahaarey balse waxaa taasi diidan Madaxweynaha Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil Argagax leh oo maanta ka dhacay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Banaan bax ka dhan ah Galmudug oo ka dhacay Balanbale iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulanka Aadan Madobe la qaatay danjire Salah El-Guneid? (Sawirro)

Caydiid Ali