Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo ka hadlay Digniintii NISA fariina u diray Ra’isul Wasaare Rooble

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii kasoo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ku aadanaa in Al Shabaab qorsheeyeen weerar ay ku dilaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hay’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada , waxa uuna ku eedeeyay hay’adda nabad sugida ay hormuud u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka  .

”Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.” ayuu yiri Sh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada , waxa uuna uga digay Farmaajo iyo madaxda hay’addaha amniga khalkhal gelinta geedisocodka doorashada.

”Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.

Sheekh Shariif ayaana ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s

Related posts

Wiil uu dhalay Hogaamiyihii dalka Liibiya Qadaafi oo doonaya in Madaxweyne noqddo

Cabdi Cade

Maxaa sababay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay gudoonka Baarlamanka Hirshabelle?

Caydiid Ali

Dib u dhac mar kale ku yimid Doorashadii Itoobiya iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---