Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo shaaciyay halka xal ee looga gudbi karo caqabadaha amni ee dalka ka jira

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maalintii afaraad wada shahaado siinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu soo doortay Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddoonka guddiga doorashada ayaana ugu baaqay xildhibaanada waddanka jooga in ay yimaadaan magaalada Muqdisho ayna qaataan shahaadada xildhibaanimo iyo sidoo kale kaarka aqoonsiga.

Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada ayey ku sheegeen caqabadaha amni ee dalka ka jira in xalka kaliya ee hada looga bixi karo ay tahay dhammeystirka doorashada iyo dhismaha dowlad sal leh.

”Xildhibaanada jooga waddanka waxaan ku boorrinaynaa inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si aan uga guul gaarno yoolkeenna dhammeystirka doorashada, caqabadaha Amni ee waddankeennu waxa kaliya oo looga bixi karaa dhammeystirka doorashada iyo dhismaha dowlad sal leh.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada.

Guddiga doorashada ayaa shahaadada xildhibaanimo siiyay in ka badan 120-xildhibaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdana xildhibaano kale qaataan shahaadada, waxaana jira xildhibaanada qaar in caqabado ka heestaan qaadashada shahaadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=fTRUX_QOROk

Related posts

Sargaal katirsan Al Shabaab iyo Saanad uu waday oo gacanta u galay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday qaar ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Siyaasiyiinta aan daacada aheyn Ma leh Mabda’ loogu soo Hagaago”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---