Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Askari ka tirsanaa ciidanka Madaxtooyada Puntland oo lagu dilay Garowe

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Madaxtooyada Puntland maanta lagu dilay meel u dhow magaalada Garoowe.

Cabdiweli Cabdi Kamas ayaa dhintay markii lagu furay rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirka sida ay sheegayaan goob joogayaal

Warar ayaa intaas ku daraya in marxuumka ay dileen askar kale oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada.

Lama oga sababta dilka askarigan, balse warar qaar ayaa sheegaya in muran uu soo kala dhex galay askariga la dilay iyo kuwa dilka geystay

Taliska Ciidanka Madaxtooyada Puntland weli kama hadlin dilka askarigan.

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s&t=143s

Related posts

(Sawirro) Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtay nidaamka casriyaynta Furdooyinka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay James Swan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray Ammaro culus oo ku socda Wasiiradda cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---