Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Khadro Jaamac iyo Cabdinaasir Axmed (Sawirro)

Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo qof oo rag iyo dumar kala ah in dil bareer ah u geesteen labo qof oo kunoolaa deegaano katirsan gobolka Mudug.

Maxkamada ayaa ku heshay Khadro Jaamac Maxamed oo 20/2/2022 la sheegay inay degaanka Bitaale ee Gobolka Mudug ku dishay Marxuumad Faadumo Cali Salaad & Cabdinaasir Axmed Maxamed oo loo heysta in 23/2/2022 uu degaanka taaroge ku dilay Marxuum Cali Salaad Khaliif.

Dood dheer kaddib maxkamada gobolka Mudug ayaa xukun dil ah oo qisaasta labada marxuun ee horey loo dilay ku riday Khadro Jaamac Maxamed  & Cabdinaasir Axmed Maxamed oo dilalkaasi geestay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf oo xukuno ku dhawaaqay ayaa sheegay in dilka labada Ruux loo adeegsaday qoray AK47 ah markii cadeeymo loo helayna xukunka lagu riday labada Ruux ee fuliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LX8iWFyTgXc

Related posts

Fahad Yasin oo dhaliilay talaabada DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Tina Intelmann (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo go’aan cad ka qaatay Heshiiska Qarniga uu ku dhaaaqay Madaxweyne Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---