Waxaa Shalay magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay iskugu yimaadeen shaqaalaha iyo howlwadeenada heyadda isgaarsiinta Qaranka.
Waxaa kulankaas lagu shaaciyey in Cabdullahi Cabdicasiis oo hadda ah ku-xigeenka Maareeyaha iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyey Mustaf loo kala magacaabay Maareeyaha iyo ku xigeenka heyaddaas.
Qaar ka mid ah Shaqaalihii ka qayb galay kulankaas ayaa shaki badan ka muujiyey arrintan, iyagoo sheegay inaysan jirin wax warqad ah oo cadeyneysa in Raisul Wasaare Rooble uu u magacaabay jagooyinkaas.
“Maadaama aanan la helin warqad ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha, sheegashada ay shaqsiyaadkaasi sheeganayaan i la magacaabay Waxaan ka soo qaadaynaa mid iyaga u gaar ah illaa laga helayo warqaddii lagu magacaabay” ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeenada heyaddaas.
Sida ku cad sharciga Isgaarsiinta Qaranka, Wasiirka Boostada iyo Tiknolojiyada ayaa iska leh soo jeedinta xubnaha loo magacaabayo xilalka ugu sarreeya Heyadda Isgaarsiinta mana cadda in Wasiirka soo jeediyay xubnahaan sheegtay in Raisul Wasaare Rooble magacaabay.
NB:- Wixii ku soo kordha amurahaan kala soco wararkayaga dnabe INSHA ALLAH
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=LX8iWFyTgXc