Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Faransiiska oo ku baaqay kordhinta tallaabo ka dhan ah dowladda Ruushka

Ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya qeybo kamid ah dalka Ukraine ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ku xasuuqeen dalkaasi, waxaana la helay meydad badan oo daadsan waddooyin kuyaala goobo ay ka baxeen ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa la sheegay in ciidamada Ruushka ka geesteen dalka Ukraine, waxa uuna tilmaamay in ay jiraan calaamado muujinaya tacadiyo ay geesteen ciidamada Ruushka.

Emmanuel Macron, ayaa ku baaqay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogo dowladda Ruushka , waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay meydadka dadka rayidka ah ee lagu arkay waddooyinka magaalada Bucha.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka si ula kac ah dad rayid ah ugu laayeen waddooyinka magaalada Bucha, waxa ayna dowladda sheegtay in waddooyinka magaalada lagu arkay meydad badan oo daadsan.

Ruushka ayaa iska fogeeyay eeda la xariirta in dad shacab ah ku laayeen magaalada Bucha, waxa ayna eedeynta uga timid Ukraine iyo waddamada reer Galbeedka ku tilmaameen been cad oo la buun buuniyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LX8iWFyTgXc

Related posts

Ciidamada Dowlada oo xir xiray qaar kamid ah dadkii hor kacayay Banaan bixii Muqdisho

Cabdi Cade

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Dawooyin dhacay & qalab Caafimaad oo lagu gubay fagaare ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali