Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shacabka Ukraine oo bilaabay in ay si farsameesan ku dilaan Ciidamada Ruushka

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaaday dalka Ukraine ayaa khasaaro badan kala kulmay howlgalka ay ka wadaan guddaha dalkkaasi, waxaana ciidamada Ruushka dagaal kula jira ciidamada Ukraine oo taageero ka helaya shacabka dalkaasi.

Shacabka Ukraine ayaa qaarkood waxa ay qaateen hub ay kula dagaalamaan ciidamada Ruushka, halka kuwa kalana ay la yimaadeen farsamooyin cusub ay ku dhibaateenayaan ciidamada Ruushka ee ku suigan gudaha Ukraine.

Warbaahinta caalamka ayaa tabinaya in shacabka Ukraine bilaabeen in ay sun ugu daraan ciidamada Ruushka raashinka iyo waxyaabaha kale ee isticmaalaan, waxaamna taasi xaalada uga sii dartay ciidamada Ruushka.

Labo askari oo katirtsan ciidamada Ruushka ayaa dhintay kaddib markii rooti loogu daray sun, waxaa sidoo kale isbitaalo la dhigay boqolaal askari oo katirsan ciidamada Ruushka kaddib markii Qamri iyo raasin kalaba loogu daray sun.

Dalka Ukrane ayaa lagu dilay kumanaan askari oo katirsan ciidamada Ruushka halka tiro kalana ku dhaawacmeen, ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday Ukraine ayaan fileyn in ay la kulmi doonaan iska caabin xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=LX8iWFyTgXc

Related posts

Generaal Fulvio Poli oo magaalada Muqdisho laga sagootiyay

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay haween dan yar ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Xamaas oo sii deysay Video ka careysiiyey RW Netanyahu

Caydiid Ali
Taboola Ads ---