Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi oo fariimo u soo diray Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Rooble

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay soo wicitaankiisa iyo dareenka murugada leh uu u muujiyay markii uu dabku qabsaday Suuqa hargeysa

Madaxaweynaha JSL waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Farmaajo oo khadka telefoonka ka soo tacsiyeeyay shacabka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Madaxtooyada Somaliand.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa fariin mahad celin u soo diray RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu u mahad-celinayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mohamed Hussein Roble oo khadka telefoonka uga tacsiyeeyey Shacabka Somaliland dhibkii soo gaaray Suuqa Hargeysa Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadinayaa Shacabka Soomaaliya oo ka xumaaday khasaarihii gaaray  Suuqa Hargeysa” ayaa sidoo kale la soo dhigay barta Twitterka ee maaxtooyada JSL.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Puntland iyo Jubbaland oo War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad xiliga u kordhisay Maraakiib dagaal iyo ciidamo ka jooga xeebaha Somalia

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo qaabilay wefdi ka socday hay’adda IOM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---