Saraakiisha Ukrain iyo Yurub ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin waxa ay ku sheegeen xadgudubyo ay ciidamada Ruushka ka geysteen meel u dhow Kyiv ka hor inta aysan ka bixin gobolka si ay weeraradooda diirada u saaraan meelo kale.
Duqa magaalada Bucha, oo 37 km (23 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda, ayaa Sabtidii sheegay in 300 oo qof oo dadka deegaanka ah lagu dilay muddo bil ah oo ay haysteen ciidammada Ruushka.
Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa qaarkood lagu arkay xabaal wadareed ay ku jiraan, halka qaar kalena ay wali daadsan yihiin wadooyinka.
Ukraine ayaa Sabtidii sheegtay in ciidamadeedu ay dib ula wareegeen dhammaan aagagga ku xeeran caasimadda, iyagoo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta gobolka markii ugu horreysay tan iyo markii Ruushku uu duullaankiisa billaabay 24-kii Febraayo.
Ruushka ayaa horay u beeniyay inuu beegsaday dad rayid ah, wuxuuna diiday eedeymaha ah in uu galay dambiyo dagaal.
Kremlin-ka iyo wasaaradda difaaca ee Ruushka kama aysan jawaabin codsiyo faallo ah markii la weydiiyay Sabtidii wixii ku saabsan meydadka laga helay Bucha. Wasaaradda gaashaandhigga si degdeg ah ugama aysan jawaabin arrintan mar kale Axaddii.
Kaaliyaha Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Axadii sheegay in ciidamada Ukraine ay heleen meydadka haween la kufsaday iyo sidoo kale meydadka saraakiil deegaanka ah iyo caruur.
“Waxaa jira niman la dilay oo jirkooda ay ka muuqato calaamado jirdil ah, gacmahoodana waa laga xiray, waxaana lagu dilay xabbado xagga dambe ee madaxa,” Oleksiy Arestovych ayaa u sheegay telefishinka Ukraine.
Saraakiisha sare ee Yurub waxay sheegeen in dambiyada dagaal ee suurtagalka ah ay tahay in la baaro.
“Aad baan uga naxay wararka ku saabsan gabood-fallada ay geysteen ciidamada Ruushka, Midowga Yurub wuxuu ka caawinayaa Ukraine in la diiwaan geliyo dambiyada dagaalka,” ayuu yiri madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell oo ku hadlayay Twitter-ka, isagoo intaas ku daray in dhammaan kiisaska loo baahan yahay inay baarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Akhri wax dheeraad ah
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Liz Truss ayaa sheegtay in ay jiraan cadeymo isa soo taraya oo muujinaya falalka argagaxa leh ee ay ciidamada duulaanka ah ku qaadeen magaalooyin ay ka mid yihiin Irpin iyo Bucha waxayna sheegtay in London ay si buuxda u taageeri doonto baaritaan kasta oo ay sameyso maxkamada dambiyada caalamiga ah.
https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA