Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi uu horkacayo Siciid Nuur Xasan oo gaaray Hargeysa, lana kulmay Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Mudane Siciid Nuur Xasan oo maanta gaaray Hargeysa.

Ujeedka safarka weftigani ayaa aheyd farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti  Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacbi weynaha Somaliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyey weftiga waxaanu uga mahadceliyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurmadka iyo tacsida ay la garab istaageen shacbi weynaha Somaliland, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horreeyey ee dabku socday la soo xidhiidhay lana wadaagay dareenkiisa murugada leh shacbiga Somaliland.

Weftiga ka socday waddanka Jabuuti, ayaa kala ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Xasan Nuux, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Mudane Yuusuf Dawaaleh, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, Col. Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidanka Cirka Col. Wahib Muuse Maxamuud, Agaasimaha guud ee Hay’adda Gaadiidka iyo Jidadka, Suubane Siciid Ismaaciil iyo xubno kale.

Weftigu waxay booqdeen suuqa waaheen ee ay saamaysay masiibadii dabku, waxaana halkaa warbaahinta kula hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Labada Dal, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jauuti iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Mooshin ka dhan ah Wasiirada Jubbaland oo loo gudbiyey Baarlamanka Maamulkaas (Akhriso)

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo ka socda Villa Somalia

Cabdi Cade

Ninka ugu taajirsan caalamka oo kala bar hantidiisa weynaya & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---