Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa waxaa habeen hore ka kacay dab xooggan oo gubay qeybo badan oo kamid ah suuqa, waxaana dabkaasi ka dhashay khasaaro maaliyadeed oo aad u badan.
Madaxweynaha Maamulka Somalilad Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi baaris iyo qiimeyn ku sameeya khasaaraha ka dhashay dabka u saaray, waxa ayna guddiga durba si hor dhac ah u shaaciyeen inta ay la egtahay khasaaraha maaliyadeeed ee dabka ka dhashay.
Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha ka dhacay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dólar.
Khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ayaa noqday mid saameyn xooggan ku yeeshay nolosha kumanaan qoys oo halkaasi ku lahaa goobo ganacsi kuna hanti beelay.
Waxaa socda dedaalo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada xooggan kasoo gaartay dabka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa, waxaana u gurmashada dadkan ka qeyb qaadanaya dowladdo iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA