Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo beri laga soomayo Maalinta 1aad iyo Muuse Biixi oo shacabka la hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland meel ay joogaanba ku hambalyeynayaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kowsatay xili Somalia inteeda kale iyo meelo kale oo ka mid ah dunida islaamka laga soomanaa maanta maalintii koowaad.

Biixi ayaa sidoo kale shucuubta Islaamka iyo shacabka Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, waxaanu u rajaynayaa inuu wanaag, khayr, bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda, Ilaahayna dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka hayo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ummadda kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada, sadaqada, islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho muxubo, is-jacayl iyo cafis, isagoo ku adkeeyay bulshada Somaliland inay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta amniga, lana shaqeeyaan ciidamada amaanka, sidii awalba u caadada ahayd.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaybaha kala duwan ee shacabka meel ay joogaanba iyo samo-faleyaashaba ugu baaqay inay bisha Barakaysan ee Ramadaan darteed iska kaashadaan sidii gacan iyo taageeraba loo siin lahaa dadkii uu hantidooda waxyeelleeyey dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo isugu jirey hantiileyaal iyo shaqaale qoysas masruufayey balse aan maanta waxba gacantooda ku jirin.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

 

Related posts

Meydadka dad dhintay oo laga helay Kaniisad kutaala dalka Indonesia

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Wasaarada Shaqada

Cabdi Cade

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---