Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiiro ka tirsan Itoobiya oo soo arkay gubashada Suuqa Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti heer wasiir ah oo ka socda dawladda Federalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

Weftigan oo ujeeddada safarkoodu daarran yahay inay shacabka Somaliland la qaybsadaan tiiraanyada iyo murugada, sidoo kalena madaxweynaha soo gaarsiiyaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Mudane Abiy Ahemd Ali iyo guud ahaan shacbiga reer Ethiopia.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey gurmadka walaalnimo ee dawladda iyo shacbiga Ethiopia ay la barbar istaageen shacbiga Somaliland. Sidoo kalena gurmad uu soo diray  habeennimadii xalay Madaxweynaha Dawlad Degaanka Somalida,  Mustafe Muxumed Cumar uu cid walba uga soo horreeyey, dhinaca kalena farriintii uu bulshada Somaliland usoo diray Ra’isal wasaare Abiy Ahmed iyo weftiga uu isla maanta  usoo diray Somaliland inay indhahooda kusoo arkaan dhibtii soo gaadhay shacbiga Somaliland ay iyaduna tahay mid ay cid kasta kaga hormareen, isla galabtana ay marag ka yihiin masiibada dabkaasi geystay,

Xubnaha Weftiga ka socda dawladda Federal-ka Ethiopia ee maanta soo gaadhay dalka, waxaa ka mida Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda, Mudane  Axmed Shide, Gaadiidka,  Marwo Dagmawit Moges iyo Masuuliyiin ka socda laamaha Aamniga iyo gurmadka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo weftiga la socday.

Ugu danbayn Xubnaha weftiga, ayaa isla galabtaba soo kormeeray suuqa Waaheen ee uu dabku baabi’iyey, waxana ay indhahooda kusoo arkeen baaxadda dabka iyo waxyeellada uu gaadhsiiyey dhaqaalihii suuqaasi ku cammirnaan jirey, waxaana si wada jira warbaahinta ula hadlay Wasiirka Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

https://www.youtube.com/watch?v=Gj6-PmorvKA

Related posts

Madaxweyne Deni oo heshiisyo waaweyn la saxiixday Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo ku gacan seyrtay in Kenya hogaamiso howlgalka ilaalada xeebaha dalka

Caydiid Ali

Abuu Mansuur oo goordhaw laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde iyo Laamaha amaanka oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---