Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay bixinta shahaadada rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee dhawwaan la doortay.
Shahaadada Xildhibaanimo waxaa saakay ilaa hada qaatay 45-Xildhibaan oo ka kala tirsan Aqalka sare iyo Aqalka hoose, waxaana wali socota bixinta shahaadada la siinayo xildhibaanada dooran.
Xildhibaanada maanta qaatay Shahaadada ayaa ahaa xildhibaano laga soo doortay badankood maamulada Galmudug, Hirshabelle, Gobolada Waqooyi, Jubbaland , Puntland iyo Beelaha Banaadiriga.
Xildhibaanada qaatay shahaadada kuma jiraan weli kuwa laga soo doortay Koonfur Galbeed, waxaana muuqda in Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed gacanta ugu wada jiraan Cabdicasiis Laftagareen oo diidan go’aankii guddiga doorashooyinka.
Maamulka Hirshabelle oo dhankooda kasoo horjeestay go’aankii guddiga doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin ayaa horey u sheegay in liiska xildhibaanada u gudbinayaan xoghayaasha labada aqal, hasa ahaatee xildhibaano badan oo Hirshabelle lagu doortay saameyna leh ayaa maanta qaatay shahaadada xildhibaanimo.
Halkan ka akhriso magacyada Xildhibaanada shahaadada maanta qaatay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=-fFBgs42Z-M