Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xildhibaan cusub oo kusoo baxay kursigii ay ku fadgisay Xaaska Guddoomiye Mursal (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu ahaa #HOP59 oo horey ugu fadhisay Xaaska Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Samiiro Xasan Cabdulle .

Kursigan oo horey u ahaa qoondo dumar ayaa la furay doorashadiisa, waxaana kursigan ku tartamay oo isku diiwaangeliyay labo musharax oo kala ahaa Mohamed Abdullahi Buraale ( Raaxeeye) iyo Cabdullahi Cali Cilmi.

Doorashada kursigan oo aheyd mid loolan adag u galeen labada musharax ayaa waxaa ku guuleestay Mohamed Abdullahi Buraale ( Raaxeeye) oo helay 66 cod halka musharaxa kale Cabdullahi Cali Cilmi uu helay 35-cod.

Xildhibaanka kusoo baxay kursigan Mohamed Abdullahi Buraale ( Raaxeeye) oo ah nin dhallinyaro ah ayaa taageero badan ka heestay beeshiisa, waxaana ninkan horey usoo noqday guddoomiyaha dhallinyarada Hirshabelle.

Magaalada Baledweyne ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka dhacdo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HO019 , waxaana kursigan oo isna horey u ahaa qoondo dumar ku tartamaya ilaa shan musharax oo afar kamid ah rag yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=-fFBgs42Z-M

Related posts

Dowlad weyn oo ka shaqeeneysa xiriir cusub oo dhexmara dalalka Sacuudiga iyo Israel

Cabdi Cade

Tirada askarta Mareykanka ee waxyeelada kasoo gaartay Duqeymaha Iraq iyo Syria oo …

Cabdi Cade

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay guddiga Amniga Doorashada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---