Maanta oo ah Maalinta Koowaad ee Bisha Barakeysan ee ramadaan, ayaa Hay’ada Hormuud Salaam Foundation deeq lacageed waxa ay gaarsiisay qoysas danyar ah oo ay ku jiraan dad qaba baahiyaha gaarka ah.
Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibrahim Cilmi ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay Barnaamijka Taakuleynta iyo Afurinta ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Barnaamijka lagu taakuleynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ka faa’iideystey dad aad u farabadan, iyadoo madaxda hay’ada ay balanqaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com