Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Shahaado Bixinta Xildhibaanada ee maanta bilaabatay

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay bixinta shahaadada rasmiga ah ee la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee la doortay.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay kuna ammaanay guddiga doorashada heer federaal bilaabida bixinta shahaadada Xildhibaannimo.

Rooble ayaa sidoo kale boggaadiyay xildhibaanadii ugu horeeyay ee saakay la siiyay shahaadada xildhibaannimo, waxa uuna uuna rejo wanaagsan ka muujiyay in shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaanada kusoo idlaato xilligii loo asteeyay.

”Waxaan bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.” ayuu yiri Rooble.

Shahaado bixinta Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xilli maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle shaaciyeen xogta xildhibaanada la doortay ku wareejinayaan xoghayaasha labada aqal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=-fFBgs42Z-M

Related posts

Maxaa ka jira in ku-xigeenkii Abuubakar Al-Baqdaadi gacanta lagu dhigay?

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweynihii hore ee Somalia & Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur?

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo ka socda Madaxtooyada kadib is casilaadii Jawaari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---