Allbanaadir.com
NEWS

17 ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa Otto otto oo xubno isku mid ah ka dhaawacmay (Akhriso Sababta)

Ugu yaraan 17 qof oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka Somalia ay saaka iska soo tuuray  dabaqyada xafiisyadooda oo ku yaalla Dhismaha Xarunta Oto-Otto ee Magaaladda Muqdisho wax yar ka dib markii ay halkaas galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab oo adeegsaneysay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey iyo rasaas.

Shaqaalahan ayaa ka argagaxay weerarka halkaas ka dhacay iyo dableyda ka tirsan Al-Shabaab ee gudaha soo gashay, taasoo ku qasabtay iney maciin bidaan dabaqyadda iney ka soo boodaan si ay uga baxsadaan weerarka naftoodana u badbaadiyaan.

Iska horimaad culus ayaa gudaha xaruntaas ku dhexmaray ciidamada amniga iyo dableyda ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas galay kaasoo socday muddo saacad ka badan.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya isbitaalada magaalada 17ka qof ee iska soo tuuray dabaqa xarunta Otto otto ayaa dhamaantood waxay qabaan dhaawaco ka dhashay jabniin dhinaca lafaha ah gaar ahaan lugaha, iyadoo haweeney ka mid aheyd shaqaalaha soo booday ay geeriyootay.

Ugu yaraan 11 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen iska-horimaadkii maanta, kuwaasoo 9 ka mid ahaa ay ahaayeen shaqaalaha iyo Ilaaladda degenaa xarunta la weeraray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koonfur Galbeed oo ka laabatay taageeradii ay horey ugu muujisay Muddo kororsiga

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xassan Shiikh? (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: Maxay tahay halista ku gedaaman Heshiisyadii madaxda DF & dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---