Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Todobo Musharax oo isku diiwaangeliyay doorashada 2 kursi oo beri la dooranayo (Sawirro)

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabelle ayaa caawa diiwaangeliyay todobo musharax oo ku tartami doona labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP#019 iyo HOP#059 oo doorashadooda beri ka dhici doonto Baledweyne.

Kursiga HOP#019 ayaa doorashadiisa laga dhigay mid furan oo ay ku tartamayaan ilaa shan musharax, halka kursiga kale ee HOP#059 doorashadiisa u muuqato mid la xiray, waxaana kursigan ku tartamaya labo musharax oo kaliya.

Doorashada kuraastan beri lagu dooranayo magaalada Baledwerynme ayaa si weyn isha loogu hayaa gaar ahaan doorashada kursiga Kursiga HOP#019 oo doorashadiisa laga dhigay mid furan kuna tartamayaan xubno saameyn leh.

Magaalada Baledweyne waxaa horey uga dhacay doorashooyin kuraas la furay kuwaa oo si weyn loogu loolamay, waxaana kuraasta lagu tartamay dhammaan ku guuleestay musharaxiin kasoo horjeeda maamulka Nabad iyo Nolol uu Farmaajo hoggaamiyo.

Kursigan HOP#019 waxaa isku diiwaan geliyay musharaxiinta kala ah

1. Abdirahman Elmi Siyaad
2. Faadumo Khaliif Guuleed
3. Mohamed Abdulkadir Mohamed
4. Ahmed Mohamed Ibrahim
5 Mohamed Mohamud Ali
Kursiga HOP#059 waxaa ku tartamaya iyana labadan musharax
1. Mohamed Abdullahi Buraale ( Raaxeeye)
2. Cabdullahi Cali Cilmi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo guul muhiim u ah gaaray kahor Doorashada Mareykanka

Cabdi Cade

Xarun Degmo oo Al Shabaab ku qarxiyeen Muqdisho oo dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiye degmo oo caawa lagu weeraray Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---