Golaha Cilmi-baarista dalka Pakistan ee Ruet-e-Hilal ayaa sheegay in bisha barakeysan ee Ramadaan la filayo inay ka bilaabato dalkaasi 3-da bisha Abriil oo ku beegan maalinta axada halka Ciidul-Fidriga la filayo 3-da May.
Xoghayaha Guud ee Ruet-e-Hilal Khalid Ejaz Mufti ayaa yiri: “Dhalashada bisha cusub ee Ramadaan waxaa la filayaa 1-da Abriil 11:24 subaxnimo. 29 Shaban (Abriil 2), da’da dayaxu waa in ay ahaataa ugu yaraan 19 saacadood. Qaybo ka mid ah Pakistan, waxay ka badan doontaa 31 saacadood.”
Bayaan ka soo baxay horraantii bishan, waaxda saadaasha hawada ee Pakistan (PMD) waxay ku sheegtay inay suurtogal tahay in bisha Ramadaan la arko 2-da bisha April.
“Bisha cusub ee Ramadaan, 1443 Hijriya, waxa uu dhalan doonaa [goobta] isgoysyada 11-24 PST ee 01-04-2022,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay waaxda saadaasha hawada.
W/T Faradheere