Allbanaadir.com
NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisay beri ay tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in beri oo sabti ah ay noqoneyso maalinta koobaad ee bisha barakeesan ee Ramadaan , kaddib markii magaalooyin kamid ah Sacuudiga laga arkay bisha.

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortootada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa shaaciyay in beri ay tahay Soon ayna caawa bilaabaneyso dukashada salaada taraawiixda.

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana waddamada qaar wali wadaan xaqiijinta in beri ay u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in beri soon tahay.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo oo labo arrin kala hadlay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---