Hoggaan xumada Farmaajo waxey talo xumadiisu gacmahiisa ka baxday markii uu qaatay dhagarta isqarxiska ahayd ee uu soo maleegey Fahad oo ahayd mudo kororsi damaca ka hooseeya uu ahaa in xukunka xoog lagu heysto, waxgaradka shacabka Muqdishana dil lagu muquuniyo.
Taas waxay keentay in Farmaajo xukunka dalka iyo doorashadiisaba in faragelintiisa laga joojiyo oo fariimaha daba socdey heshiiskii December 2021 lagu qeexay inuusan xitaa olole doorasho uusan geli karin inta laga soo dhameystirayo doorashooyinka guddoomiyeyaasha baarlamanka.
Fariintaas loo soo gudbiyey Farmaajo wuu qaatay, waana qarsaday, taas oo ah mid isaga badbaadineysa, ilaalineysana xasaanaadkiisa dambe, laakiin sida wax u jiraan iyo halista ku gadaaman lama uusan wadaagin Fahad oo aan akhriso aqoonin halista ku dhex duugan fariimaha deeqbixiyeyaasha bulshada caalamka oo ah reer Galbeedka, kuwaasoo ay balaayin Dollar ay uga baxday ku mano sheegashada badbaadinta dowladnimada Soomaaliya.
Fahad kama uusan tanaasulin inuu ku sii socdo aragtidiisa ku saleysneyd xagjirnimada xooga iyo cabsigelinta lagu socodsiinayey, Farmaajana ugama uusan digin saaxiibkiis Fahad inuu talo wadaag kala yeesho halista ay xambaarsan tahay fariimaha ka hadlaya doorashooyinka, balse qaa’innimadiisa wuxuu ku sii dhiirogeliyey inuu hortiisa u sii socdo oo uusan ka leexan jidka uu ku joogo. Fahad wuxuu ka dhabeeyey inuu xoolahiisa iyo awooda cabsi gelintiisa uu ku soo wada saarto dhamaan shaqsiyaadka isaga sida tooska ah ugu xirneyd marka laga reebo Maxamed Dheere.
Meesha taas bedelkeeda uu Farmajo ka doorbiday inuu ka gaabsado soo saarida shaqsiyaadkii isaga sida gaarka ah ugu xirnaa ama sida tooska ah uga amar qaadan jirey. Halkaas waxaa ka bilowday in khatarta looga siibto Fahad, Farmaajana uu ku badbaado, walow ay iska cadahay ineysan labadooduba kala hari doonin. Taariikhdu soo noqnoqosho oga:
Dagaalkii 1977 waxaa fikirka lagu curiyey iska lahaa Gen. Maxamed Cali Samater, kaasoo ka gaday rajada lagu guuleysan karo Gen. Maxamed Siyaad Bare oo uu taladiisa lahaa milkiyadeeda, qasadkiisuna ahaa in saraakiisha reer bariga oo markaas sarakiisha ciidanka ugu tiro badnaa in lagu kala yareeyo.
Markii dagaalka guushiisii fashilantay ayaa waxaa soo baxday in gen. Samater uu si qaawan oo bareera u bartilmaameysto dejinta shax si toosa loogu abaarayo saraakiishaas, waxaana dhagarta Gen Samatar abihi uga digey wiilkii uu dhalay oo la oran jirey Shire, balse sabab la xiriirta wargelintiisa loo diley. Maaliintaas shacabka reer Bariga la jideeyey in dhiigooda la baneysto ayaa waxaa gacanta ka baxay xukunkii Gen. Siyaad, wixii markaas ka dambeeyana gen. Samater wuxuu ka badbaadey shirqoolo isdabajooga oo ay u dhigayeen qoyska uu ka soo jeedey Gen. Siyad, ilaa ay dhacday Gen. Samatar inuu Gen. Siyaad uga baxsado dagaalkii ku qabsaday Muqsidho, laakiin labadoodu waxba kalama dambeyn.
Prof. Saciid Ciise MaxamuudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax xilka Madaxweynaha Somalia
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com