Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dayuuradaha Ukraine oo duqeyntii ugu horeysay ka fuliyey gudaha Ruushka

Warar soo baxay ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ukraine ay burburiyeen xarun shidaal oo ku taal degaanka Belgorod ee gudaha Ruushka, taasoo noqonaysa duqeyntii ugu horeysay ee ciidamada dalkaas ku qaadaan dhulka Ruushka tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in diyaaraddo joog hoose ku socda oo ka soo  gudubtay xadka Ukraine ay fuliyeen weerarkaas, waxaana dabka ka dhashay duqeyntaas ku dhaawacmay laba qof oo shaqaale ah.

Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah xaafadaha magaalada laga daad gureynayo shacabka weerarka kadib.

Muuqaal la soo galiyay internetka oo muujinaya dab ka kacay bakhaarka Belgorod

Sarkaal ka tirsan Ukraine ayaa wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka u sheegay inaysan haynin xogtan markii wax laga waydiiyay dhacdada.

Waxay ku soo beegantay iyadoo saraakiisha difaaca Britain ay sheegeen in Moscow ay dib u daabulayso ciidamadeeda ku sugnaa Ukraine.

 

Related posts

Labo kamid ah Musharaxiintii u taagneyd Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo tanaasulay

Cabdi Cade

Haweeney reer Galbeed ah oo lagu afduubtay dalka Kenya & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay kunteenaro ay ku jiraan raashin dhacay iyo ganacsade…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---