Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Ruushka oo ka baxay Warshaddii hore ee Nuclearka Chernobyl (Sababta)

Ciidamadii Ruushka ee haystay warsaddii hore ee laga dhalin jiray quwadda nukliyerka ee Chernobyl ayaa halkaas isaga baxay, sida ay sheegeen shaqaalaha warshaddaasi.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay Chernobyl qabsadeen bilowgii duullaanka ay ku galeen Ukraine.

Shirkadda qaranka ee nukliyeerka Ukraine ee Energoatom ayaa shaacisay shaqaalaha ku sugan warshadda ayaa sheegay in haatan aanay jirin cid iyaga ka baxsan oo goobtaasi ku sugan.

Waxay horey shirkaddu u sheegtay in ciidammada Ruushka ay u ruqaansadeen xadka Belarus, iyagoo halkaas uga tagay koox yar.

Ku dhawaaqista ayaa u muuqata mid lagu xaqiijinayo warar ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka kuwaasoo Arbacadii sheegay in goobtaas uu Ruushku isaga baxayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay dhufaysyo ka qoteen qeybta ugu sunta badan ee aagga xiran ee Chernobyl, uuna halkaas ku haleeshay shucaac badan, sidoo kale Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaar kamid ah askartii halkaas joogtay lagu dabiibay waddanka Belarus.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa ay shaqaalaha warshadda ku sugan ka soo xigatay inay sheegeen in qaar ka mid ah ciidammada aanay ogayn inay ku sugnaayeen aag uu ku furan yahay shucaac badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin walaalkiis ka yar Sabab dad badan layaab ku noqotay ugu dilay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Muqdisho ka Daah-furay shir guddi heer Qaran ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa heshiiska ay kala saxiixdeen dalalka Somalia & Sacuudiga? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---