Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka AMISOM oo baaritaan adag ka bilaabay xerada Xalane & garoonka Aadan cadde

Ciidamada AMISOM ayaa Maanta oo  Jimco ah ay baaritaan ballaaran ka sameyn doonaan Xerada Xalane iyo xeyndaabka garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay halkaas weerar ka geysteen dabley ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo wixii markaas ka dambeeyey khalkhal xoogan laga dareemay amniga garoonka dayuuradaha iyo xerada Xalane

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu baaritaanka ka socdo garoonka diyaaradaha Muqdisho loo ogolaan doono oo kaliya kaliya inay galaan dadka dhoofaya.

“AMISOM waxay 1-da abril baaris amni ka sameyn doontaa gudaha saldhiga Xalane, si ammaanka loo hubiyo. Saldhiga wuxuu ahaan doonaa mid si buuxda loo xiri doono illaa labada Abril,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

Ciidamada AMISOM oo wata eeyaha wax baara ayaa saaka gudaha xerada Xalane ka bilaabay howlgal baaritaan ah oo laga sameynayo dhismayaasha, goobaha ganacsiga iyo hotelada ku yaalla halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo war kasoo saartay dil loo geestay Cabdullaahi Cali Cumar

Cabdi Cade

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka sare ee Hirshabelle oo Jowhar ka socota (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Xubnaha Golaha Ammaanka & Nabadda M/Afrika?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---