Guddiga doorashada federaalka ayaa caawa shaaciyey liiska rasmiga ah ee xildhibaanada labada aqal ee baarlaamanka 11aad ee Somalia, iyadoo liiska laga waayey xubno doorashadoodu horey dacwado looga keenay oo uu ku jiro Kursiga uu ku guuleystay Fahad Yaasiin taliyihii hore ee NISA.
Sidoo kale waxaa liiska laga waayey saddex ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka mid ah kursigii uu ku fadhiyey Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Afarta xubnood ee laga reebay liiskan ayaa waxaa horey doorashadooda u hakiyey guddiga doorashada heer federaal hase ahaatee guddiyada doorashada Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa iska dhega tiray go’aanka guddiga federaalka, iyagoo qabtay doorashada afartaas kursi, taasoo keentay in laga waayo liiska kama dambeysta ah ee caawa la soo saaray.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa iney abuurto xiisad cusub oo sii xoojisa khilaafkii horeyba uga dhexeeyey madaxda sare ee dalka, kaasoo sababi kara dib u dhac kale oo ku yimaaada Gudoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha.
Sidoo kale liiskan waxaa ka maqan in ka badan labaatan Kursi oo xildhibaanadii ku fariisin lahaa aan weli la dooran, waxaana qeyb ka ah 16 kursi oo taalla magaalada Garbahaarey kuwaasoo la isku hayo in doorashooda ay halkaas ka dhacdo in laga wareejiyo, waxaana ku loolamaya Madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Axmed Madoobe oo taageero siyaasadeed ka helaya RW Rooble.
HOOS KA AKHRISO LIISKA OO DHAMEYSTIRAN