Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo taageero u raadsaday dalal colaad u haya Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa safar ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaasoo lagu wado in maalmaha soo socda uu kulamo la xiriira ololahiisa doorashada kula yeesho qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia.

Deni ayaa sidoo kale uu safar kale ku tagi doona dalka Imaaraatka halkaasoo uu kulamo kula yeelanayo shirkada P&O Port oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, oo dhawaan shirkad cusub loo dhiibi-doono maadaama ay shaqada sidii loogu talagallay u qaban-waysay.

Waxaa kulankaas looga arinsanayaa dhismaha shirkada cusub oo Puntland iyo P&O Port ay wada-leeyihiin oo dhawaan la hirgelinayo, Shaqada balaarinta garoonka Boosaaso, mashruuca korontada iyo arimo kale.

Deni ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madax sare oo ka tirsan dowladaha Kenya iyo Imaaraadka isagoo weydiisanaya iney siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku taageeraan ololihiisa doorashada, isagoo ka faa’iideysanaya xiriirka aan fiicneyn ee labadaas dowladood kala dhexeeya Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Farmaajo. oo laftiisa ah musharax doonaya in dib loo doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo mar kale  ka codsatay Kenya in ay usoo gacan galiso C/rashiid Janan

Cabdi Cade

Mid kamid ah dowladaha Yurub ugu weyn oo taageertay heshiiska DFS iyo Somaliland

Cabdi Cade

Madaale & Masuuliyiin kale oo kormeeray degmooyin amni xumo ku caan baxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---