Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taalada Dajirka dahsoon oo dayactir lagu sameeyey & Cumar Filish oo kormeeray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray  dhismaha Taalada Daljirka Dahsoon oo dayactirkeeda la dhameestiray isla markaana si casri ah dib u dayactir loogu sameeyay.

Xarunta Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee Caasimadda ku yaala, iyadoo haatan si casri ah dib u habeyn loogu sameeyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka go’an tahay maamulkiisa dib u dhiska iyo soo celinta bilicda Muqdisho.

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa uigu baaqay shacabka gobolka Banaadir iney ka shaqeeyaan nadaafada iyo bilicda xaafadahooda, isagoo xusay in maaamulka gobolka uu arrintaas gacan ku siin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Afar qorshe oo lagu dhameenayo dagaalka Ukraine oo lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

Qorshayaasha Uu Wado Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo halis ku ah Soomaaliya

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeray Qeybta 21-aad ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---