Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taksiile Soomaali ah oo lagu dilay dalka Maraykanka iyo Booliska oo baaritaan wada

Dabley ayaa Magaalada Portland ee dalka Mreykanka waxay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed sida ay baahisay warbaahinta magaaladaas

Shaani Maxamed ayaa ka mid ahaa Soomaalida ku xoogsada gaadiidka tagaasida waxaana meydkiisa laga helay Gaarigiisa, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaaseed.

Soomaalida ku nool Magaalada Portland ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Marxuumka oo 39 Sano jir ahaa uu u Shaqeynayay Shirkadda tagaasida ee Uber.

Booliska Magaalada Portland ayaa wada  baaritaanka dilka loo geystay Shaani Maxamed oo ifka kaga tegay 8 Carruur ah iyo Hooyadood, welina ma cadda sababta loo dilay inkastoo loo badinayo iney la xiriirto falal burcadnimo.

Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Portland ayaa si weyn uga xumaaday dilkan loo geystay Shaani Maxamed, waxayna booliska ka dalbadeen iney soo qabtaan dembiilayaashii ka dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Garsoore ku sugan New York oo riday xukun ka dhan ah Donald Trump iyo Wiilashiisa

Cabdi Cade

Wasiir Cabdulahi Goodax oo la kulmay Maamulayaasha Iskuulada Dowlada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sheekh Shaakir oo cadeeyay Mowqifkiisa ku aadan Doorashadii uu ku guuleestay Qoor Qoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---