Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Booliska Galmudug oo soo bandhigay rag burcad ah oo dhac geysanayey (Sawirro)

Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa caawa soo bandhigey rag burcad ah oo dhac bareer ah u geysanayay gaadiidka safarka ah iyo dadka la socda kuwaaoo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Deegaanka Mareergur.

Raga lasoo bandhigey oo ahaa saddex ayaa mid ka mid ah waxaa ka muuqday dhaawac kusoo gaarey rasaas ay is waydaarsadeen ciidanka amaanka.

Waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay telefano iyo decomentiyo ay ka dheceen dadka musaafirka ah ee isticmaala wadada dhexmarta gobolada dhexe.

Saraakiisha amniga Galmudug ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada lagu ugaarsanayo kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta shacabka safarka ah, iyagoo xusay iney cadaalada horgeyn doonaan raggan la soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye

Caydiid Ali

Boosaaso: Xubno ay ku jiraan Ajaaniib oo ka goostay kooxda Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Margot Wallstrom (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---