Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Cali Daahir Ciid (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Rooble iyo Ciid ayaa ka wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga Galmudug, La dagaallanka argagixisada , dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka soo laabtay safar uu maalmahan ku joogay dalka bariga afrika ku yaala ee Tanzania.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, isla markaana uu socdo abaabulka mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka.

Related posts

Madaxweyne Al Bashiir oo xaaladu ku xun tahay kana hadlay wal walka uu qabo

Cabdi Cade

Oradyahanad caan ah oo si arxandarro ah loo dilay iyo Baaris socota

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic laga Hirgelinayo Hir-shabeelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---