Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ukraine oo Waddamada Caalamka ka dalbatay in sharci daro ka dhigaan Calaamada Z

0Dowladda Ukraine ayaa wada olole cusub ay ku dooneyso in dembi looga dhigo isticmaalka alaabaha ay ku xardhan tahay magaca (Z) iyo sidoo kale in calaamadaasi lagu dhejiyo goobaha ganacsi .

Ukraine ayaa aaminsan in calaamada (Z) ka dhigan tahay taageerada duulaanka Ruushka, waxaana calaamada xarafka (Z)  oo ku xardhan taangiyada Ruushka ee Weeraray Ukraine u taagan tahay “za pobedu” oo micnheedu yahay (guul).

Dowladda Jarmalka ayaa durba aqbashay baaqa dowlada Ukraine, waxaana saddex magaalo oo kuyaala dalka Jarmalka laga mamnuucay calaamada xarafka (Z) waxaana qofkii xarafkaasi calaamad ahaan u adeegsada lagu ridayaa saddex sano oo xabsi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Ukraine Dimitry Kuleba ayaa ugu baaqay wadamada kale caalamka in ay raacaan wadada Jarmalka, ayna sharci daro ka dhigayaan istyicmaalka xarafka Z.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikan ah oo taageeray Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus

admin

Somalia oo ka qeyb galaysa shirweynaha caalamiga ah ee “Decent Work”

Caydiid Ali

RW Khayre oo kormeeray Xarumo dowladeed & Suuq caan ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---