Allbanaadir.com
NEWS

Xaaji Xasan Shiino oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Kooxo hubeesan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray  Xaaji Xasan Shiino, waxaana ninkan la dilay xilli la sheegay in uu kasoo laabtay masjid uu salaada subax kusoo dukaday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in kooxda hubeesan dhoor xabad ku dhuftay kadibna goobta uga dhaqaaqeen, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oon ku guuleesan soo qabashada kuwii dilka geestay.

Ninkan odayga ah ee la dilay ayaa dadka deegaanka sheegeen in uusan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan ee dalka ka jira, waxa ayna tilmaameen in uu ahaa nin dalaal ah, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay dilalka loo geesanayo dadka shacabka iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Sudan oo la wareegay inta badan saldhigyadii RSF

Caydiid Ali

Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey dalab ka yimid Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo la kulmay Mukhtaar Roobow (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---