Shaqooyin – Sadax fursadood oo shaqooyin ah ayaa kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib Udhiska iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shaqooyinka ayaa kala ah;
- Lataliyaha Maamulka
- Xiriiriyaha Hay’ada Wadooyinka
- Lataliyaha Qorsheeynta & Xeerarka
Waa shaqooyin muhiim u ah kobcinta maamulka iyo horumarinta howlaha guud ee laga sugayo in ay fuliso Wasaaradda Howlaha Guud.
Qabashada arjiyada waxay xirmaysaa 20ka Luulyo 2018 cidii kasoo dib dhacdana lama tixgelin doono arjigiisa sida uu inoo sheegay kusimaha agaasimaha wasaaradda howlaha guud mudane Eng Maxamed Abdikadir Xuseen.
Dhawaan waxaa loo magacaabay wasaaradda howlaha guud wasiir cusub Abdifatah Mohamed Ibrahin oo ku magac dheer “Geesey” taas oo horay ay ujoogeen wasiir kuxigeen iyo wasiiru dowle.
Waxaan kuwar gelineeynaa dhamaan muwaadiniinta heeganka u ah in ay ka qayb qaataan dib udhiska dalkooda hooyo in aan heeyno fursado shaqooyin oo muhiim u ah wasaaradda howlaha guud ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud Mudane Abdifatah Mohamed IBRAHIN
Wasaaradda Howlaha Guud ayaa wada mashruucyo fara badan oo ay uqorsheeysay in ay dib udhis baaxad wayn leh uga fuliso dalka oo idil.
Riix halkaan ee kala bax 3da Codsi ee shaqo
Fadlan usii gudbi arjigan cidii daneeyneeysa oo aad taqaano.