Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxyadii iyo Weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo goordhaw Shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay weerarkii maanta Al Shabaab ku qaadeen xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxa uu sheegay Wasiirka in la dilay dhamaan ragiiĀ  weerarka kusoo soo qaaday xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada amaanka dad badan soo bad baadiyeen.

ā€œDowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaanno, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilayā€ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaaddo caafimaad dibadda ah.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay Masuuliyada weerarkan dhaliyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee maanta ka dhacay xarunta Oto Oto ee degan yihiin Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) DF oo baaq u dirtay milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Hotelada

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo caawa degmada Boondheere ka furay Barnaamij cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay ninkii Soomaaliga ahaa ee Weerarka ka geestay Jarmalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---