Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xariga kajaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug kadib munaasabad lagu qabtay Wasaaradda.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, xildhibaano katirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, howlwadeenada wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Munaaasabadan ayaa sheegay Dhismaha Wasaaradan ay qeyb ka tahay mashaariicda maamulkiisu ka wado Galmudug.

“Wasaaraddu waxay udub dhexaad u tahay wasaaradaha Xukuumadda Galmudug. Waxaan u mahadcelineynaa Bangiga aduunka oo hirgeliyay dhismaha wasaaradda iyo wasaarade kale oo muhiimad weyn u leh Dowladda Galmudug” ayuu yiri Qoorqoor

Qoorqoor ayaa ka hadlay muhiimada ay Wasaaradani u leedahay horumarinta Maamulkiisa, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xariga ka jaro, isagoo shacabka galmudug ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarinya degaanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gen. Odawaa iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka oo heshiis cusub wada galay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladu wado dedaalo lagu joojinayo dagaalka Tukaraq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Antonio Guterres oo shaaciyey arrin ka dhalatay dagaalka lagula jiro Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---