Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa lagu wadaa in uu ka furmo wadahadalo nabadeed oo xal loogu raadinayo colaada Ukraine, waxaana wadahadalka isku hor fariisan doona wefdi ka kala socda Ruushka iyo Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba , ayaa digniin adag u diray wefdiga kumatalaya wadahadlka, waxa uuna ugu baaqay in aysan waxna cunin sidoo kale wax cabin inta ay goobta wadahadalka joogaan.
Waxa uu sidoo kale wasiirka ugu baaqay wefdiga matalaya Ukraine in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah ayna iska eegaan waxa ay cunayaan iyo sidoo kale waxa ay cunayaan inta ay ku jiraan wada xaajoodka.
Digniintan ayaa imaaneysa xilli ay jirto cabsi laga qabo in sun isku adeegsadaan wefdiga kala matalaya Ruushka iyo Ukraine, waxa ayna arrimahan imaanayaan xilli la shaaciyay in la sumeeyay maalqabeenka Ruushka ku matalayay wadahadal hore Roman Abramovich .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com