Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Rooble iyo Axmed Madoobe oo isku afgartay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey iyo Go’aan …

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in doorashada xildhibaanada goolaha shacabka gaar ahaan 16-ka kursi ee loo asteeyay in lagu qabto magaalada Garbahaarey halkaasi laga wareejinayo.

Waxaa maanta ku ekaa waqti ay horey u qabteen guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland oo ku aadanaa in ay kusoo gabagabeeyaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ku harsan gaar ahaan kuwa loo asteeyay in Garbahaarey lagu doorto.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wadahadal dhinaca telfoonka oo ay yeesheen isku afgartay in doorashada laga wareejiyo magaalada Gabrahaarey.

Sida aan xogta ku heleyno Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku afgartay in doorashada kuraasta loo asteeyay Garbahaarey loo wareejiyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Rooble ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan soo saaro degreeto doorashada looga wareejinayo magaalada Garbahaarey sidoo kale ku magacaabo guddi labo dhinac ah oo ka shaqeeya dhameestirka doorashada xildhibaanada ku harsan Jubbaland.

Go’aankan la filayo in uu soo saaro  Rooble ayaa dhabar jab ku noqon doona Madaxweyne Farmaajo oo dagaal badan u galay in 16-kursi lagu doorto Garbahaarey, lamana oga sida uu Farmaajo ka yeeli doono hadii Doorashada laga wareejiyo Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khatar Laba Afle ah – Maxaa Ruushka Dib Ugu Soo Celiyey Waqooyiga Geeska Afrika ?

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo beri u ambabaxaya safar kale oo dibeda ah

Caydiid Ali

Jen. Khalifa Haftar oo aqbalay shuruud lagu xiray inuu ka qeyb galo doorashada Liibiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---