Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay wefdi uu hoggaaminayay Isha Dyfan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Qaabilay Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan.
 
Kulan Saacado qaatay oo wefdiga ka socday Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay uga wada hadleen Abaaraha ,Biya la’aanta , Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.
 
Madaxweyne Laftagareen ayaana warbixin faah faahsan wefdigan ka siiyay xaalada deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan dhinaca abaaraha iyo sidoo kale Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatal qowlka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha sida dilal iyo xarig intii ay socotay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen kusoo baxay.
Maamulka Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in aysan ilaalin xaquuqda dadka kunool deegaanadAasi gaar ahaan warbaahinta, waxaana maamulkaasi cabsi gelin ku hayaan wariyaasha madaxa banaan iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka KG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ku gacan seyrtay dalab ka yimid ehelada Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo qaabilay diblomaasiyiin u yimid indho idhaynta Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna ku furtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---