Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo war ka soo saartay xaaladda Soomaalida ku sugan dalka Ukraine

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa u farxad ah in ay ku dhawaaqdo in 348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

Waxaa intaasi dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Yw97xnXCFHA

Related posts

DF oo shaacisay in duqeyn lagu dhaawacay hogaamiye ka tirsan Al-shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

Masuul u xiran dowlada Somalia oo loogu magac daray garoon dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Nabad sugida K/Galbeed oo howlgal ka dhacay Xudur ku soo qabqabtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---