Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ogolaaday qodob aad u weyn oo Ruushku uu ku xiray joojinta dagaalka, kaasoo ah in dalkiisa uu noqdo mid dhexdhexaad ah ka ah qaddiyadaha u dhaxeeya Reer Galbeedka iyo Ruushka.
Isaga oo la hadlayay warbaahinta Ruushka qaar ka mid ah ayuu Zelensky sheegay in uu diyaar u yahay in dalkiisa uu noqdo mid aanan dhinacna la jirin , balse ay tahay in marka hore damaanad laga helo dhinac sedexaad, islamarkaasina afti dadweyne loo qaado.
Dalabka madaxweynaha Ruushka ee Putin ayaa ahaa in Ukraine aysan ku biirin NATO, taasoo ay Ruushka u aragto qatar weyn oo daris lasoo noqonaysa dalkiisa
Dhinaca kale, Wadahadalo fool ka fool ah oo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa la filayaa inay todobaadkan ka furmaan dalka Turkiga.
Afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa hadda sheegay inay u badantahay inay bilaabmaan maalinta Isniinta, balse laga yaabo inay dib ugu dhacaan Talaadada.
Waxa uu sheegay in wafdiga Ruushka ay u ambabaxayaan dalka Turkiga oo martigelin doona wada-hadallada, maalinta Isniinta ah.
“Kulamada waxay suurageliyaan in wadahadallada loo qabto si diiradda loo saaro xaaladda jirta, ee adag,” ayuu yiri..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com