Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah,
Warkan ayaa lagu baahiyey Bayaan la soo dhigay website-ka faafiya wararka kooxda Daacish ee Amaq.
“Laba xubnood oo ka tirsan booliska Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish.
Daacish ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanada kooxdaas ay fuliyeen toogashada oo ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera. Waxayna sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay weerarka.
Kooxda sirdoonka ee SITE ayaa ku warantay iney tahay markii ugu horreysay oo Daacish ay si rasmi ah u sheegato weerar ka dhacay gudaha Israel tan iyo 2017dii
Sarkaal ka tirsan Booliska Yuhuuda, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.
Daacish oo ka talineysay qeybo badan oo ka mid ah Syria iyo Iraq ayaa si rasmi ah loogu dhowaaqay in laga adkaaday 23-kii March 2019 ka dib guluf dagaal oo ay qaadeen ciidamada Ciraaq, kuwa Maraykanka iyo maleeshiyaad taageerayey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com