Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Rooble oo qaabilay Kate Foster kalana hadlay arrimo muhiim ah (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.
 
Rooble ayaa sidoo kale Kate Foster kala hadlay dhacdooyinkii argagixiso ee u dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyn iyo xaaladaha bani’aadminimo iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.
Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerraradii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyn, iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda xaqiijinta nabadda dalkooda.
 
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u xaqiijiyay safiirka dowladda Britian u qaabilsan Soomaaliya in ay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebogebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay in aysan aqoonsaneyn ururka FSU Digniin adagna u dirtay

Cabdi Cade

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo war ka soo saaray arrin xiisad ka abuurtay Muqdisho

Caydiid Ali

Yaa Hortaagan in magaalada Muqdisho amaan buuxa noqoto ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---