Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe iyo Dabageed oo deg deg u qaabilady Sanbaloolshe una Hambalyeeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa qaabilay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.
 
Cali Guudlaawe iyo Dabageed ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaan Sanbaloolshe guusha uu maanta gaaray, waxa uuna kula dardaarmay u shaqeynta bulshada Hirshabeelle iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
 
Madaxda maamulka Hirshabelle ayaa siyaasad ahaan waxa ay si weyn isaga soo horjeedeen siyaasiga Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ah nin aan la ganban aragtidiisa marar badana dhaliilay hoggaanka Hirshabelle iyo kan federaalka.
 
Doorashada kursigan uu kusoo baxay Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ahaa mid furan oo loo tartamay, waxaana horey madaxda Hirshabelle loogu qasbay in kuraasta qaar ee Baledweyne taala furaan si loogu tartamo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo qaaday talaabo ka farxisay shacabka gobolka Tigray

Caydiid Ali

DEG DEG: Shirkii Wadatashiga doorashooyinka oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Mursal oo digniin culus ka bixiyey kuraasta la xawilanayo ee Baarlamanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---