Qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka ayaa cunaqabateyno kusoo rogay madaxda sare ee dowladda Ruushka iyo hantiilayaal u dhashay dalkaasi oo la tuhmayo in xiriir dhaw la leeyihiin Madaxweyne Vladamir Putin.
Hantida maalqabeeno u dhashay dalka Ruushka ayaa lagu xayiray dalka Mareykanka iyo qaar kamid ah waddamada Yurub, waxaana xayiraadaasi tahay mid cadaadis lagu saarayo dowlladda Ruushka oo duullaan ku qaaday dalka Ukaraine.
Dowladda Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh dowladda Ruushka ayaa qaaday tallaabooyin ka duwan mida waddamada reer Galbeedka, waxa ayna Turkiga oo katirsan NATO shaacisay in aysan xanibeyn hantida maalqabeenada Ruushka .
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan in ay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.
Waxa uu sheegay Wasiir Mevlut Cavusoglu ,hadii sharciga caalamiga ah ka hor imaaneyn maalqabeenmada Ruushka hantidooda in aysan xayireyn, waxa uuna cadeeyay in Turkiga fulineyso cunaqabateynada Qaramada Midoobay balse dalal kale aysan waxba ka quseyn.
Dooman nuuca raaxada ah uu leeyahay maalqabeenka Ruushka u dhashay ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkiga, waxaa sidoo kale dalkaasi gaaray maalqabeenada Ruushka ee qaarkood hantidooda waddamada reer Galbeedka xanibeen.
Turkiga ayaa xiriir dhaw la leh dalalka Ruushka iyo Ukraine, waxa ayna Turkiga diidan tahay in colaada ka dhax aloosan labadaasi dal saameyn ku yeesho, waxa ayna xukuumada Ankara qaaday tallaabooyin ana farxad gelin waddamada kale ee reer Galbeedka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com